Waxaa weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta
gobolkaSool xiisado ka dhashay xarig ay ciidamada maamulka
Somaliland u gaysteen macalimiin wax ka dhigi malcamado
Quraanka lagu barto oo ku yaalla magaalada, taasoo sabababtay
inuu dhaco isu soo bax rabshado wata oo ay sameeyeen
dad u badan haween iyo caruur, taasoo sababtay dhimashada
labo qofood oo rayid ah iyo dhaawaca shan ka mid ah
ciidamada ammaanka maamulka Somaliland.
Waxaa saakay halaasi ka taagan xiisad aad u kacsan,
iyadoo ay magaalada soo buux dhaafiyeen ciidamada ammaanka
Somaliland kuwaasoo aad u hubaysan isla markaana ku
gaaf wareegaya jidadka iyo xaafadaha magaalada, si ay
uga hortagaan isku day dibadbax oo ay mar kale sameeyaan
dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood.
Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii ciidamada ammaanka
ay qab-qabteen 65 qofood oo isugu jira dumar iyo rag
kuwaasoo xalay ku hoyday saldhiga degmada Caynaba, waxaana
lagus oo warramayaa in dadkaasi la qab-qabtay ay ahaayeen
kuwii dibadbaxa soo agaasimay, waxayna saraakisha ammaanka
Somaliland ay sheegeen inay si fiican ula dhaqmeen markii
dadkaasi loo keenay.
Hawl gallada qab-qabashada macallimiinta dugsi Quraanka
ee sababay dibadbaxa rabshadaha wata ayaa wuxuu daba
joogaa hawl gallo ay muddooyinkii ugu dambeeyay wadeen
ciidamada Somaliland kaddib markii qof doonayay inuu
miino ku aaso waddada ay ku qaraxday, dabadeedna laga
helay documenti ay ku qoran yihiin qaar ka mid ah macalimiinta
xabsiga loo taxaabay
E-mail:cowslafil@cowslafil.com