Wararka laga helayo deganka bacadweyne ayaa waxa ay
shegayaan in xaley saqdii dhexe madafdiic ku soo dhacdey
guha iyo dafaha magalda Bacvadweyne oo dhowanahaan ay
ka jireen weeraro iyo dagalao la guu soo qadayey kaas
oo u dhaxeeyey malashiyada deganaka iyo kuwa xaley madaaficda
ku soo garaacey.
Qasaraha ka dhashey madaafiicdaan ayaan la ogeyn balse
waxaa la shegay in tiro madafiic ay si darandooriya
ugu soo dhaceen gudaha iyo dafaha magalada Bacadweyne,
isla markaasna dadkii deganaa ku kenatey cabsi kuwaas
oo horey dagalo soo laablaabtey heysteen mudooyinki
ugu danbeyey.
Duqeyntaan ayaa waxaa la sheegay in looga soo ridey
goobo aad uga fog oo degaan u ah maleeshiyaadka maalmihii
la soo dhaafey dagaalku dhexmarey mid ka mida fariisinkeeda
kuwaas oo kala ah Beelaha Qubeys oo Bacadweyne Degta
iyo Saleebaan oo dhinaca kale ka soo jeeda hadana la
shegayu in ay bilaabeen Arinta xaley dhacdey.
Waxana jira warar dhinaca saxafada ay marinayaan oo
kaliya odayaasha iyo wax garadka qaarkood Culumaa'u
diinka iyo siyaasiin ka soo jeeda labada beelood oo
ay ku jiraan xitaa Maamulka ximan iyo xeeb Axmed Cali
Guuleed oo leh dagalka hala joojiyo iyo Afhayeenya Dhaqanka
Odayasha beelaha hawiye Axmed diiriye Cali oo shegay
in dagalka hada uu soo cusboonadey ka dib xili la donayey
in la isasoo horfariiyo isla markaasna la donayey in
muqdisho laga diro odayaal labo dhinaca oo beelaha Qubeys
iyo Saleebaan ka soo kala jeeda balse ay dagaldaan iyo
duqeyntan xaley ka soo hormartey.
Dagaldaan laba dhinac u dhaxeeya ayaa salka ku haya
degaan labada dhinac ay wada dagaan oo lagu magacaabo
hildooyaale kaas oo boqolaal sano ay laba beelood wadadegi
jireen iskuna dhex socon jireen balse fidnata ay tahey
shegasho hal dhinac oo ka mida oo sheganayo ka dib sidaas
dagaladu ku qarxeen kuwaas oo socdey mudo ka badan ilaa
4 bilood in kastoo ay Culumo labada dhinac ka socotey
dhexdhigeen 45 maalmood oo xabad joojin ah oo hirgashey
balse markii danbe burtey ayadoo ay ka dhiman yihiin
maalmo yar lana doonayey in si foolka foola la isku
soo horfariisiyto
Waxaana ay soo baxeysaa Duqeyntaan xili intaas oo dedaalo
ah ay jiraan habeenki xaly lala beegsadey degaanka Bacadweyne
ee Gobolka Mudug hoosyimaada isla markaasna ay jiraan
is horfadhi dhinaca ciidamada laba Beelood ah laman
oga sida dedaaladaan u guuleysan doonan
E-mail:cowslafil@cowslafil.com