Welcome to Cowslafil.com
 

 

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Qaraxyo iyo tacshiirad muddo kooban socotay oo xalay laga maqlay guri ku yaalla nawaaxiga Hotel Kaah ee degmada Yaaqshiid
February-08-2010 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Qaraxyo xooggan iyo is rasaasayn muddo kooban socotay ayaa xalay laga maqlay xaafadaha ku dhow Hotel Kaah ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo aan ilaa hadda la garanayn qasaaraha ka dhashay iyo kooxaha ay dhex martay.

Mid ka mid ah dadka xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay maqleen dhawaqa qoriga baasuukaha loo yaqaano, bambooyinka gacanta laga tuuro iyo is rasaasayn xooggan oo socotay qaddar daqiiqado ah oo markii dambe istaagtay.

Goob joogahaasi wuxuu sheegay inay si dhab ah uga war haynin kooxaha ay rasaastu dhex martay, wuxuuna intaasi ku daray inay u muuqatay in weerar lagu qaaday guri ku yaalla nawaaxiga Hotel Kaah, inkastoo uusan sheegin gurigaasi sababta loo weeraray iyo masuulka degganaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay goob joogahaasi in markii ay rasaasta istaagtay uu arkayay gawaarida noocyada loo yaqaano roonetka oo dhowr xabo ka kooban oo ka sii baxayay goobta ay rasaasta ka dhacday, wuxuuna sheegay inaanay garanayn haddii ay jiraan qasaare ka dhashay qaraxyadaasi iyo tacshiiradahaasi, isagoo sheegay in saakay markii uu waagu baryay ay xaaladdu caadi ahayd.

E-mail:cowslafil@cowslafil.com

Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn