Saakey intii aysan qoraxdu soo bixin ayaa waxa
mar qura dagaal xoogan uu ka qarxey xaafdo ay ka
midyihiin Shibis , Cabdul casiis iyo Karan kuwaas
oo ay iskaga soo horjedaan Ciidamada Dowlada Somaliya
iyo kooxha mucaaradka Soomaliya ee ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa markii ugu horeysey ku bilowday
madaafiic ay labada dhinac isku ridayeen iyo markii
dambe oo uu isku bedelay mid ka fool ka fool ah
lauskuna adeegsanayo midka culus iyo midka fudud,
kuwaasoo daryankooda laga maqlayey qeybo aad u fara
badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho waxaana madaafiic
aad u fara badan oo labada dhinac ay isu adeegsadeen
ay ku kala dhacaeen agagaarka xarunta madaxtooyada
dowladda Somalia iyo deegaano ku yaala woqooyiga
Muqdisho.
Inta lahub waxaa ku geeriyoodey Ugu yaraan 3 ruux
sida uu xaqiijiyey Madaxa Anbulasyada Neshinka Daahin
oo intaas ku darey in ay qaadeen ilaa 13 qofood
ay ka kala qaadeen dhaman xafadihii dagaldu ka dhaceen
saakey waxana dadka dhintey ayaa labo ka mid ah
uu ku habsaday mid ka mid ah madaaficdii la isku
weydaarsanayey oo kula dhacay isgouyska loo yaqaano
Jiiro Wacbuudhan ee degmada Karaan iyo qofka sadexaad
oo ay rasaas wiifto ah ku haleeshay agagaarka Suuqa
Maana booliyo.
.
Xaafadaha uu dagaalka saameeyey ee kale aya kala
ah agagaarka hotelkii Global, iyo garoonka kubada
cagta ee banaadir Istaadyum oo lagu soo waramay
in la arkayey dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku
noolaa oo cagaha wax ka dayaya si ay uga baxsadaan
dirirta xoogan ee halkaasi saakey ka qaraxdey.
Dagalaaka ayaa marki danbe sikiis u istaageuy ayadoo
ay jiraan dhimasho iyo dhawacyo soo kala gartey
dhawacyoadii dgalamey balse aysan dadka u suurto
galin in ay si buuxda ula socdaan qasaaraha soo
kala gaarey labada dhina isla markaasn aysan ka
hadlin dhinacyadii dagalamey.
E-mail: cowslafil@cowslafil.com