Welcome to Cowslafil.com
 

 

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Maareeyaha Dekedda Muqdisho Ma xil Qaran baa mise Xil beel leedahay? (Xubnaha Madaxweyne Shariif ku beel ah iyo Jagooyinka ay haayan)
March-10-2010 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Aniga iyo dad badan oo Soomaaliyed waxaa la yaab nagu noqotay lana dhihi karo waaba yaab in xil Qaran loo bedelo mid ay leedahay beel kaliya oo aysan jirin cid sheegan karta.

Marka aan sidaas leeyahay shalay ayaa warbaahinta Soomaalida qaarkood ka aqristay war ku saabsanaa in Beesha Mudullood oo ka mid ah beelaha Hawiye ku qancisay Madaxweyne Shariif Sh Axmed in uusan xilka ka qaadin Maareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow, sida lagu sheegay warka beesha ayaa diiday in xilkaas laga qaado Jiinow taa micnaheeda waxaa waaye in jagadaas ay leedahay oo kaliya beeshaas.

Haddaba su’aasha taagan ayaa waxay tahay Madaxweyne Shariif ma danta guud ayuu ka horumariyay rabitaanka shaqsiyaad beeshiisa, sidoo kale Madaxweynuhu ma wuxuu door biday in kuraasta ay ku fadhiyaan xubnaha heybta wadaagan sidooda loo daayo laakiinse mas’uuliyiinta kale ee soomaaliyed xilalka ay haayan sidii la doono laga yeelo.

Soomaali horey ayay u diidan aniga ayaa yiri, lama taaban karo waa beeshayda, ha la dalaacsiiyo waa beeshayda eriyadaas iyo kuwa kale horey ayaa loo diiday waana mida maanta soomaalida burburtay ay sabab u tahay dhibaatooyinka ragaadiyay qaranimadii soomaaliya.

Laga soo bilaabo 1960-kii ilaa iyo maanta soomaaliya waxaa si xoog badan uga jira adeegsiga qabiilka, waxaana la aaminsan yahay in dadka soomaaliyed wax walba ay ka horumariyeen danta qabiilka.

Sidaas darteed, waxay ila tahay in madaxweyne Shariif Sh Axmed imtixaanka noloshiisa ku xiran tahay bilaw u tahay sida uu uga gudbo is bedel lagu sameeyo maamulka Dekedda Muqdisho oo dad badani ay ku doodayaan in ay waajib tahay in wax laga bedelo maamulkaas maadama uu fadeexado fara badan lugta la galay.

Haddii aan dib u eegid ku sameyso xilalka ay haayan xubnaha beesha Madaxweynaha ka dhashay waa sidan.

-Safiirka Somaliya u fadhiya Roma iyo Midowga Yurub, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

-Safiirka soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali America.

Safiirka Jarmalka Tifow

Qunsulka Safaaradda Somaliya ee Rushka Prof Qudhe.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow

Maareeyaha Garoonka Muqdisho==

Ahmed Yaaqshiid Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda.

Jeneraal Gacma-Duule oo ah Taliyaha Ciidamada Lugta ee Dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta Dahir Maxamud Geelle

Wasiirka Lacagta Yariisow

Safiirka Somaliya u fadhiya Jabuuti Mr Hiraabe.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Nuune.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir

Intaan iyo ka badan ayaa waxaa loo tirinayaa dad ay meel ka soo wada jeedan Madaxweyne Shariif Sh Axmed.

Waxba kama duwan wadadii uu marey madaxweynihii isaga ka horeeyay C/llaahi Yuusuf kaas oo xilalkii qaranka u qeybiyay oo kaliya beeshiisa.

Waana cadaalad daro aad u weyn in 9 jago oo ka mid ah Maamulka Dekedda Muqdisho ka soo bilaaw Maareeyaha Dekedda ilaa iyo madaxa Shaqaalaha,Madaxa sheegashooyinka badeecooyinka soo dega iyo kuwa dhooofa ay wada qaatan beesha Madaxweynaha.

Haddii aan u soo laabto Maareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow Calisow waxaa xilkaas u magacabay Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi wax yar kadib markii ciidamadii Itoobiyanka soo galeen Magaalada Muqdisho,magacabistaas waxaa loo arkayay waqtigaas muujin awood siyaasadeed maadaama aysan jirin waqtigaas cid ka hor imaan karta Geeddi sababo jiray awgooda.

Afar sano oo Cabdi Jiinow Maareeye ka ahaa Dekedda Muqdisho waxa la dhihi karaa waxaa dib u dhac ku yimid haddiiba ay jiri lahayd horumar lagu sameeyo adeegyada Dekedda.

Jiinow isagoo ka faa’ideystay howsha loo dhiibay ayaa waxaa uu bilaabay inuu iibsado dhul qaranka soomaaliya leeyahay, kaas oo ku yaala ajabka shidaalka ee KM4 gedaashiisa, (Dhulkii Gaduudanaa), arrintaas waxaa marqaati ka ah dadka degan Xaafadda Hodan.

Jiinow Sidoo kale waxaa uu Magaalada Nairobi ka iibsaday guri lacag fara badan ku baxday sida ay xaqiijiyeen dad ku dhaw dhaw Maareeyaha.

Ma jirto cid maalin kaliya la xisaabtintay Maareeyaha Dekedda Muqdisho.

Arrinta ugu yaabka badan waxay noqotay markii Maareeyaha Gaadiid uu leeyahay oo kuwa qaada Xamuulka si toos ah iyagoo gelin line ama feel uga dhex shaqeeyan Dekedda waxaana loo bixiyay gaadidkaas MA SHIIXIYAAL.

Sida ay sheegayan wararka Maareeyuhu waxaa uu lacag fara badan u qeybiyay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha madaxweynaha isagoo uga dan leeyahay in Madaxweyne Shariif culeys lagu saaro inaan xilka laga qaadin Maareeyaha.

Madaxweyne Shariif ayaa la kulmay bil ka hor Maareeye Jiinow isagoo ka codsaday inuu xilka ku soo wareejiyo hase ahaate Jiinow ayaa kaga jawaabay codsiga madaxweynaha MAYA”HADDII AAD DOONTA WAREEGTO IGAGA QAAD XILKA LAAKIIN ANIGA MARNA KAMA TANAASULAYO XILKA AAN HAAYO.

Sida la ogsoon yahay murankii ka dhaxeeyay Maamulka Dekedda iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir oo uu salka ku haayay badeecooyinka iyo lacago dheeri ah oo Maareeyaha soo rogay waxaa sabab u ahaa Jiinow sida uu sheegay afhayeen u hadlay ganacsatada Gobolka Banaadir.

MAXAA LA GUDBOON MADAXWEYNE SHARIIF SH AXMED.

Madaxweyne Shariif si uu uga badbaado shirqoolka loo dhigay waxaa la gudboon labo arimood, mida koowaad waa in uu is bedel ku sameeya Maamulka Dekedda Muqdisho isla markaana uu ku adkeysto go’aankiisa hore ee uu ku doonayay in uu xilka kaga qaado Maareeyaha Dekedda Muqdisho Jiinow.

Mida labaad oo ah inuu ilaaliyo Axdiga KMG ah oo ku dhisan 4.5 waxaa looga baahan yahay in uu si siman beelaha soomaalida uga qeybiyo xilalka Dowladda isagoo markaas dooranaya dad aqoon u leh xilalka loo dhiibayo.

Haddii uu labadaas arrimood madaxweynuhu ku dhaqaaqo waxaa hubaal ah in sumacadiisa badbaadi doonto isago lagu tilmaami doono inuu yahay Madaxweyne Qaran oo ka run sheegay dhaartii lagu dhaariyay Kitaabka alle.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Shariif Sh Axmed isagoo ka talaabsanaya shirqoolka uu soo abaabulay Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ah in beesha Mudullood ku qasabtay madaxweynuhu inuu iska daayo Maareeyaha Dekedda Muqdisho inuu howshiisa sii wato beeniyo go’aankaas ama uu xaqiijiyo.

Jamaal Hassan Ismaaciil

E-mail: cowslafil@cowslafil.com


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn