Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Dhalinyaro ka tirsan Jaaliyadaha Somalida oo lacago ugu deeqay wiil yar oo xaaladiisa caafimaad dalka waxba looga qaban waayey.

November 04-2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .  


Deeq lacageed oo a timid dhalinyaro ka mid ah jaaliyadaha Somaliyed ee ku dhaqan wadamada caalamka qaarkood ayaa deeqo kala duwan oo lacageed soo gaarsiiyey wiil aad u yar oo xaaladiisa caafimaad dalka waxba looga qaban waayey ka dib markii maqaarka jirkiisa uu noqday mid isbedelay sababo la xiriira cuduro aan la garaneynin oo ku dhacay awgeed, kaasoo lagu magacaabo C/raxmaan Cabdi Geelle.


Deeqdan oo ka koobneyd illaa $245 (labo boqol iyo afartan iyo shan Dollar) ayaa waxaa soo kala diray C/llaahi Abshir Kaarshe oo ku tabarucay $120 Dollar, Aadan Cabdi Wahaab oo isna soo diray $100 Dollar iyo Mahad Sayid Axmed oo isna soo gaarsiiyey $25.00, waxaana dadkaasi qaarkood ay joogaan dalka Qadar.


Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Somaliyed abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo deeqdaasi la soo mariyey ayaa maanta ku wareejiyey hooyada dhashay wiilkaasi xanuunsan oo lagu magacaabo Shamso Macalin Nuur munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Muqdisho iyadoo ka mahad celisay deeqdaasi oo ay sheegtay iney tahay mid ay baahi weyn u qabeen oo wax ku ool ah iyadoo u duceysay dhalinyaradii u soo dirtay.

Dhinaca kale, Abwaan Abshir Nuur Faarax bacadle ayaa lacag 100 Dolar ah oo ka qeyb ka ah lacago sadaqo ah oo loogu talo galay in la siiyo qoysaska heysta caruurta agoonta ah ayaa gudoonsiiyey gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaliimo Sacdiya Sheekh Ibraahin oo heysata 7 caruur ah oo agoon ah kuwaasoo sida ay sheegtay aabahood ay ciidamada Itoobiya ku dileen bilo ka hor wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, caruurtaasoo uu ugu weyn yahay sagaal sano jir cid aan alle aheyn oo u maqana aysan jirin, waxayna Xaliimo Sacdiyo sheegtay in lacag labo boqol oo Dolar oo dad muxsiniin ah ay ku tabaruceen uu horey u soo gaarsiiyey abwaan Bacadle taasoo ay si weyn uga mahad celisay, waxayna sheegtay in ilmaheeda agoontaa ah aabahood la oran jiray marxuum Axmed Macalin Maxamed Yuusuf, waxaana ka codsanayaa ayey tiri bulshadda Somaaliyeed iney u kaalmeeyaan ayna cidii diyaar u ah iney wax u qabato kala soo xiriiri karaan telefoon ay sheegtay in loogu deeqay oo No:- +2521-5356732.


Kala xiriir abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle)
Tel: +25250-900050 ama +2521-5858752 ama 62-393333
E-mail abshirbacadle@hotmail.com


Cowslafil,news,network (CNN).
email: cowslafil@cowslafil.com.


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn