Burburkii iyo jaha wareerkii dhawr iyo tobanka sanno
ka socday dalkeena hooyo ee Soomaaliya. dadka qaar ayaa
kala garan waayey, xaq waxay u leeyihiin iyo waxa aanay
xaq u lahayn, waxa ay dadka la wadaagaan iyo waxa ay
gaar u leeyihiin.waa la wareeray, hawshuna waxay iska
noqotay lagaama roonee roor iyo ciyaartii carruurnimada
ee “Inteen ka baxaa meel alla”
Dhegahayga waxa aan ku maqlay wiil dhalinyaro ah oo
shaw dhawr mar inta uu tahriibay, ku soo guuldareystay
safaradiisii, dalal badan oo uu tageyna aad loogu dhibay
xoriyadda iyo raaxadana looga qaaday, yaab nimaan arag
ayaa yiraahda yaab ayaan arkay, wiilku isaga oo aan
isogeyn oo moodaya inuu hoos u hadlayo ayaa wuxuu ku
tanaagooday:
“Anigu Soowd Afrika maaha dalkeyga, waayo Soowd
Afrika waxaa leh Soowd Afrikaan, Kiinyana maaha dalkeyga,
waayo Kiinya waxaa leh Kiinyaati. Itoobiyana maaha dalkeyga,
waayo itoobiya waxaa leh itoobiyaan, Yemen maaha dalkeyga,
waayo Yemenna waxaa leh Yemeniyiin. Sacuudiga maaha
dalkeyga, waayo Sacuudiga waxaa leh Sacuudiyaan. Ugaandhana
maaha dalkeyga, waayo Ugaandha waxaa leh Ugaandheys,
Tansaaniya maaha dalkeyga, waayo Tansaaniya waxaa leh
Tansaaniyaan. Ingiriiska, Maraykanka iyo Ustareeliyana
maaha dalkeyga, waayo dalalkaasna waxaa iska leh dadkooda.
Anigu aaway dalkeyga????. Anigu waxa aan ahay soomaali.dalkeyguna
waa soomaaliya.
Aaway haddaba dalkeyga?? 18 sanno ayaan dalal iyo bado
ay dad kale leeyihiin dhalandhool maalmeed iyo dheelmad
habeen aan ku dhex socdaa, oo meeshii aan tagaba la
ileeyahay dalkeed u dhalatay? Maxaad dalkeena ka soo
doontay? Dalkaaga maxaad iga soo tagtay? Dalkan dadkiisa
ayaa nabadeeyey oo dhistay ee maxaad dalkiina u nabadeyn
waydeen oo aad u dhisan waydeen.
Hala xiro, hala dilo, hala kufsado, hala dhaco, hala
masaafuriyo, hala maraanmaro, hala canaado, hala celiyo,
hala iibsado, ayuu go`aanka dacwadeydu mid uun noqdaa.
Waayo dal ma leh, dalkanina dalkiisa maaha., sharci
la`aana wuu ku soo galay ayaa gadaal la iigu soo eegaa..
Oday kale oo shaw isaguna dhawr wiil oo uu dhalay, qaarna
badda ay kaga dhinteen, qaarna meel ay jiraan war iyo
wacaalba uga quustay, kaaga darane magaalada muqdisho
oo uu ku dhashayna dhawr iyo toban sanno dibed joog
ka ahaa, caasimado badan oo uu tageyna la soo qabsan
waayey, ayaa isaga oo xabad sigaar ah buufinaya, igu
yiri:
“Muqdisho waa laga yaaban yahay, waxay noqotay
meel aan la fahmi karin, Anigu waxaanba u ekeysiin lahaa
muqdisho meel kayn jiq ah oo ay durduro hoos maraan,
hareeraheeda oo dhanna abaar ah, oo ay ku wada nool
yihiin haad iyo habar-dugaagba, marka waagu baryo noolaha
ku nool kayntaa way isufoof tagaan, mid cad cunna, mid
cayayaan cuna, mid caleen cuna, mid caws cuna iyo mid
curub cunaba. Midkasta oo noolaha kayntaa ku nool ka
mid ah mid wuu ugaaranayaa midna wuu iska ilaalinayaa,
xaalkuna waa biciidow ilna ku day ilna ku daaq. Adiga
aan ku weydiiyee noloshaas muqdisho taal xaggey uga
egtahay nolol banii`aadam, dhaqdhaqaaqa oo keliya dheh”.
Nin aqoonyahan ah oo dibedda in badan ku noolaa, ayaa
waxa ay xajka iyaga oo gudnaya isku arkeen nin ay saaxiib
hore ahaayeen, oo shaw Xaj iyo carar isku jira xamar
uga soo tagey, markuu u calaacalay ka dib ayuu ku yiri:
Haddii aad soomaali tahay waxa aad qayb ka leedahay
dalka soomaaliya, waxa aad wax la leedahay oo aad wax
la wadaagtaan dadka soomaaliyeed, ma jiro qof soomaali
ah oo qofka kale ee soomaaliga ah ka xigsan kara inuu
dalka ka leeyahay. Adigu ma ogtahay in qofkasta oo soomaali
ah uu dalka kula leeyahay? Maxaad haddaba keligaa isu
lahaysiinaysaa, oo dhibtiisa iyo dheeftiisaba adigu
dusha ugu ridaneysaa. Waa runtay waxa aan ku doodayo,
dalka igama lihid, waan wada leenahay, waan kula leeyahay,
taladiisa ayaan kula leeyahay, khayraadkiisa ayaan kula
leeyahay, xilkiisa iyo mas`uuliyadiisa ayaan kula leeyahay,
hawadiisa iyo ciidiisa ayaan kula leeyahay, ugaartiisa
iyo kalluunkiisa ayaan kula leeyahay, inaan ku noolaado
oo aan xornimo u joogo sida aad adiguba u joogto ayaan
kula leeyahay oo aan xaq u leeyahay. Haddii aan soomaaliya
nabad iyo xornimo u dhex mari waayo, Muqdishona baqdin
la`aan iyo bilicsami ku dhex mari waayo, oo aan uga
baygago sida anigu oo dhex socda Nairobi,Addisababa,
Riyaad, Johansberg, anigu aaway dalkeyga???? Aaway magaalo
madaxdeydu……
Labo wiil oo dhalinyaro ah oo saaxiibo, ayaa markii
ay ka badbaadeen dooni ay saarnaayeen oo dad badani
ku dhintay, todobaad ka dibna la geeyey xerada qaxootiga
ee aljaxiim, ayaa siday ku timidba waxay isku soo qaadeen
taariikhdii safarkooda, sababta ay dalkoodii hooyo uga
soo tageen iyo waxa dalka ka socda ma sax baa mise waa
khalad. Mid dhalinyaradii ka mid ah oo aad u careysnaa
ayaa saaxiibkii ku yiri: “Saaxiib runta indhaha
ha ka ridin, waxba dhegaha ha fureysan, wejiga hoos
ha u foorarin, dhabankana waxba ha iga dadbin, soo jeeso
oo I maqal.. anigu aaway dalkeyga… waa tee magaalo
madaxdeydu????soow ma ogid haddii aad tahay urur hubeysan,
ganacsade xoolo badan, siyaasi istaaf badan leh, kaaba-qabiil
dhalinyaro badan ay ka amar qaadato, aqoonyahan beeshiisa
dabada kula jira, waxa aad rabto ahow, magaca aad dooneyso
lahaw…ogow….haddana…ogow..waan kuugu
celinayaaye ogow..dalka waan wada leenahay, adigu soomaali
baad tahay aniguna soomaali ayaan ahay, xaq uma lihid
inaad keligaa dalka isa siiso.. waa inaan isku ixtiraamnaa
lahaanshahaa aan dalka wada leenahay, waa inaan dhibkiisa
iyo dheeftiisaba u sinaanaa….waa inaadan isaga
kay dhigin……qof dalka keligii iska leh…jecel..ka
damqanaya keligii…. Keligii wax laga weydiinayo….keligii
horumarinya….keligii soomaali ah….ogow dalka
waan wada leenahay….sax maahaa qofkii tuuto wata
ayaa soomaali ah…kii qori wata ayaa qaran ah….kii
bostaalad wata ayaa wadani ah………midkii
aan intaa ahayna… waa inuu aamusoo gabado….ama
uu cararo oo la waayo….ama uu dhinto oo mootanaado….taasi
waxay ila tahay waa cadaaladii duur joogta ee ahayd
midba midka uu ka xoog badan yahay ha cuno oo quraac…qaddo..casho
.. ha ka dhigto….Dadka soomaaliyeed ee aan tuutaha
gashaneyn, qoryahana jeeniqaarsaneyn, bostooladahana
aan guntiyada ku haysan, aaway dalkoodii,.. aaway magaalo
madaxdoodii…?Ma kiinya oo Nayroobi ah baa? Ma
Yemen oo Sanca ah baa? Ma Itoobiya oo addidsababa ah
baa? Ma Sowd africa oo johanisberg ah baa? Maya waa
Soomaaliya oo Muqdisho ah….. maxay haddaba ku
dhacday adiga oo soomaali ah oo aan wax dembi ah dalka
ka gelin inaad kaga kolsooni badnaato Muqdisho adiga
oo Addisabab dhexmaraya!!!!! Saaxiibayaal dawooyinka
dalkeenu u baahan yahay waxaa ka mid ah dadka hubeysan
inay ogaadaan in dadka aan hubeysneyn ay dalka la leeyihiin.
Xaqna u leeyihiin inay u joogaan, ka shaqeystaan, wax
ku bartaan, meeshay doonaan ka maraan, sida ay iyaguba
waa kuwa hubka la tiicayee xaq ugu yeesheen inay joogaan,
ku noolaadaan, meesha ay doonaan ka maraan.
Oday kale oo ruug caddaa ah oo cimrigiisu gaarsiiyey
mindhaa inuu goob joog ka ahaado, marxalado badan oo
isbedelay, oo qaarba qaar kale ay ka riixdeen booska,
ayaa shaw ku wareeray, waxa ay soomaalidu la degi la`dahay
oo ay 20 sanno ku dhawaadka isuhaystaan, garana la`
waxa ay isku dilayaan, ayaa dhalinyaradii hareeraha
ka fadhiday waano iyo wax tus iga dhigayey isaga oo
leh: “Bal dadkan isdilaya ee dadka dilaya ee naftooda
dilaya mala weydiiyey horta “Afar kee baad igu
dileysaa:Ma dantaada ayaad igu dileysaa?Ma danteena
ayaad igu dileysaa?Ma danteyda ayaad igu dileysaa? Mise
dan dad kale ayaad igu dileysaa?Haddii aad dantaada
igu dileysid, waad iga gardaran tahay, waayo meesha
aad danta ka leedahay maaha gurigaaga, ee waa dalkii
naga dhaxeeyey, marka dalkii naga dhexeeyey,oo aad dantaada
gaar ah ka dooneysid, anigii dalka kula lahaana aad
igu dileysid waa gef weyn oo mid na qabato maaha. Haddii
aad danteena igu dileysidna, waaba dan naga dhaxeysee,
yaan isdiline aan ka wada hadalno, oo iska dhaadhicino,
sida aad adigu wax u dooneysid iyo sida aan anigu wax
u doonayo, laakiin haddii midkeen uu dilo midka kale,
dan ka hadalkeed dhamaa, maxaa yeelay meeshii waxaa
timid isdil.
Haddiise waxa aad igu dileysid ay danteydu tahay,
danteyda ha igu diline igala hadal, maxaad iigu dili
waaba danteydiiye, qofka dantiisa laguma dilee waa lagu
waaniyaa oo la tusaa. Bal ka soo qaad danteydii ayaad
igu dishay, miyaad ii daneysay mise waad iiga dartay?
Haddiise aad igu dileyso dano dad kale, daw uma lihid
inaad dalkeyga dhexdiisa iigu disho danno dad kale oo
iyagu dalkoodii iyo dadkoodiiba u nabad iyo xasiloon
yihiin.bal meel fariiso oo isweydii: maxaad igu dileysaa?
Maxaan isku dileynaa? Maxaan kugu dilayaa? Dagaal iyo
dil joogto ah ma inoo dan baa??????????? Dadka soomaaliyeed
ee ay dadka soomaaliyeed dileen, timaha madaxaaga way
ka badan yihiin.
War dalka sidan ha loo dhaamo…war dadka sidan
ha loo dhaamo…war diinta sidan ha loo dhaamo…war
dawladnimadu sidan ha loo dhaamo..war dadnimada sidan
ha loo dhaammo… war damiirka sidan ha loo dhaamo…
Moogow ogow ..Macalinku dalka ayuu kula leeyahay, dhakhtarku
wuu kula leeyahay, hooyadu way kula leedahay, ardaygu
wuu kula leeyahay, ganacsaduhu wuu kula leeyahay, askerigu
wuu kula leeyahay, shaqaalaha dawladda wuu kula leeyahay,
somaaliga hay`adaha u shaqeeya wuu kula leeyahay, beeraleygu
wuu kula leeyahay, xoolaleygu dalka wuu kula leeyahay,
kalluumeystuhu dalka wuu kula leeyahay, darawalka iyo
rakaabka uu sido dalka way kula leeyihiin, wariyuhu
dalka wuu kula leeyahay, adiguna waad la leedahay, markaa
dalka waan wada leenahay.
Guntii iyo gunaanadkii qoraalkeyga waa iga su`aale
yaa ka mas`uul ah waxa dhacay iyo waxa dhacayaba…
yaa ka mas`uul ah, dumarka soomaaliyeed ee lagu faraxummeyey
dacalada caalamka ee wada xambaarsan carruurta aan aabbayaashooda
la aqoon…. yaa ka mas`uul ah, kumanaanka qof ee
maskax feredku ku dhacay ee isla hadlaya… yaa
ka mas`uul ah kumanaanka carruurta ee dibadaha loola
cararay ee qaarkood diimo kale qaatay..qaarna ay hadda
ku sii socdaan… yaa ka mas`uul ah kumanaanka qoys
ee soomaaliyeed ee waran milicda xeryaha qaxootiga ee
wadamada deriska… Yax…cakuye..wayyyyy…
yaa ka mas`uul ah dalkan iyo dadkan hoogay ee ba`ay???
W/Qorey: Cabdiqaadir
Nuur Xuseen (Maax)
Address: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel: 002522-4150622 Hargeysa
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.