Soomaaliya, waa dal ka mid ah
dalalka caalamka oo xor ah, gaar ahaan ku abtirsada
Qaaradda Africa, hadana dowlad la,aan ah in ku dhow
20-sano, ka dib markii gacmaha dadka soomaaliyeed
iyo maskaxo shisheeye oo is kaashaday, ay si miyir
la'aan ah u dumiyeen dowladii kacaanka ee 21-kii sano
ee ugu dambeysay dalka maamuleysay.
Ha jiraan eedo iyo khaladaad loo tiriyo in ay geysteen
maamulayashii dowladdii Kacaanku, sababna ha looga
dhigo waxyaabihii keenay in Aqoonyahano, Saraakiil,Siyaasiyiin,
Ganacsato, iyo ciidamo, ka gadooday maamulkaasi ay
mucaarad hubeysan kala horyimaadaan dowladii Kacaanka,
iyaga oo ka faa'ideysanaya Taageeradda shisheeye iyo
caradda shacabka soomaliyeed,aakhirkiina wax uu hardankaasi
soo geed fadhiisto dagmo iyo tuulo, wax uu dhalay
in si fowda ah xididadda loogu siibo Taliskii Malatariga
ahaa,
Dabayaaqadii janaayo, 1991-dii, ayey aheyd markii
ay isku milmeen dhawaqa rasaasta iyo alalaaska dumarku,
iyadoo loogu dabaal dagayo dumistii xukuumadda iyo
bixintii Madaxweyne Maxa'ed Siyaad Barre, Allaha u
naxariistee, maxaase dhacay, !!!
Waxaa dhacay, wixii dhici lahaa !! waxaa fursad
isku helay wax kasta oo kala caaganaa iyadoo aaneey
jirin sharci kala haga, waxaa dadweyne careysani
ku qamaameen xarumihii dowladda ilaa laga boobo
Iskuuladii iyo Cusbitaaladii, mana jirin qof qofka
kale ka qabanayey qaladadka uu galayo, waayoo maba
loo arag xumaan,marna la isma weydiin, maxaa imaan,
!! Maxaa dhici,!! maxaa xigi, !! toona maalmo kooban
ayaana lagu bur-buriyay bilicdii goboladda iyo tii
Caasimaddaba,
Waxaa yimi hanqal- taag iyo anaa mudan, maadaama
jabhadihii wada socday iyo kooxo kaloo tareenka
gadaal ka soo raacayba aaney jirin nidaam iyo qorshe
ay hishiis ku ahaayeen oo lagu badalayo waxa la
wada duminayey,marka laga reebo in la wada rido
mooyee,waxaana mid waliba kan kale kula soo jeestay
hubkii, markaleeyna huguntay, waxaa yimi yaab iyo
amakaag !!! halkaana aan u daayo taa una gudbo marxalad
kale.
Iskuma diidanin, dadka soomaaliyeed in ay is wada
dileen, Qaran, Qabiil ilaa Qoys, dalkana ay ka dhaceen
dagaalo aan ujeedo iyo ka jeeda laheyn oo cirif
walba gaadhay, su'aashuse waxa ay tahay maxeey salka
ku hayaan dagaaladan iyo isbadaladan aan dhamaadka
laheyn ? yaase iska kaashanaya mushkulidda Soomaliya
ka aloosan bur-burkii dowlada ka dib ?
Aan u kala qado labo qeybood 1:- Beesha caalamka,
2:- Soomali sheeganeysa siyasiyiin iyo wadaado aan
wadaniyiin aheyn, ayaa la oran karaa waxa ay iska
kaashadeen dhibaatada soomaliya lugaha kula jirto
maanta,
1:- Beesha caalamka, oo muraayad ka daawaneysay
waxa ka dhacaya soomaaliya ridistii xukuumadda ka
dib, ayaa bilowday dadaalo iyo isku dayo la sheegay
in soomaaliya loogu raadinayo dowlad iyo kala danbeyn
afka baarkiisa ah, hase yeeshee maadaama ay ahaayeen
kuwa aan ku imaan rabitaanka shacabka soomaaliyeed,
balse ay ahaayeen qorshayaal ay soo waarideen maskaxo
shisheeye, laguna qabanayay dalka dibadiisa dhamaantood
waxa ay ku soo idlaadeen natiijo la'aan iyo in ay
uga sii daraan marxaladii markaa la taagnaa,
Tusaale ahaan:-Dowladii Madaxweyne, Cali Mahdi,
ee ugu horeysay laguna soo dhisay jabuuti, Janaraal
Ceydiid oo hogaamiye awood cidanle ahaa lagama qeybgalin
maamulka Jabuuti lagu dhisayay, weyna muuqatay in
uu dagaal kala hor imaanayo, waxaa dabadeed la dhaxlay
dagaalo iyo bur-bur, iyo in uu dhacao dagaalkii
la magac baxay 4-biloodle,waana dowladii soo jeedisay
in ciidamadda xooga dalku ay isku dhiibaan hubkana
ku wareejiyaan jabhadihii barigaa oo u abaabulnaa
qaab qabiil,
Markaa ka dib, dhibaatada dalka ka dhacday waxa
ay si xoog leh u saameysay dhamaan dalka gaar ahaan
gobolada koofureed, oo dadka ku dhaqani ay ku noolaayeen
tacabka beeraha, colaadaha oo ka hor istaagay beerashadii
dalaga iyo abaaro ku dhuftay, awgood ayaa waxa ay
sababeen in ay deegaanadaa ka dilaacaan cuduro iyo
macluul, ilaa magaalada Beydhabo ee G/bay loo baxsho
magaaladii dhimashada,mar kale ayayna beesha caalamku
waxa ay go'aansadeen in wax laga qabto dhibaatada
bini-aadanimo ee soomaaliya ka jirta, waxase jiray
dano kale oo lagu hoos waday, inkastoo wax laga
qabtay macluushii iyo gaajadii barigaa ka jirtay
deegaanadaasi,hadana waxaa ka mug weynaa dhibaatada
ay barigaa beesha caalamka gaar ahaan mareykanku,
uu ka geystay ama ka abuuray soomaaliya.
Waa taariikh la wada xasuusto, umana baahna qalin
dheer, balse bixitaankoodii 1995-tii, waxaa dalka
ka soo ifbaxay hogaamiye kooxeedyo damacoodu kala
fogaa, waxa uuna mid walba ka tala qaadananay gacan
shisheeye, oo aan soomaali wanaageeda ka shaqeyneyn
si uu isagu u fushado danihiisa, aakhirkiina waxey
dhaxashay in masiirkii dalka iyo umadaba la hoosgeeyo
Dowlada Ethopia, oo aan dowladnimadeenii u dhignay
cashar aaneey iloobin balse soomaalidu ilowday,
bur-burka soomaaliya ku dhacayna u aragta falaar
ka fuqday wadnaheeda.
Qoraa soomaaliyeed oo goconaya sanadihii tagay iyo
sanadaahan danbe isbadalka ku yimi Soomaliya iyo
Ethopia, iyo waxa uu rag ahaa iyo sida uu maanta
yahay ayaa waxa uu yiri, { Soomaaliya waa qaran
la qabjabiyay}dulucda sheekadaan oo aad u dheereyd,
ayaa tusaalaha ugu yar ee aan ka soo qaadanayo waxa
ay tahay sidan:- In 1993-dii ay Janano soomaaliyeed
oo ka mid ahaa ragii wax ka hogaaminayay dagaalkii
taariikhiga ahaa 1977-dii, ay magaalada godeey kula
kulmeen saraakiil hoose oo Ethopian ah waxna ugu
yeeriyeen, bal eeg sida loo bah dilay soomaalidii
isla weyneyd, lama qadarin oo meel munaasba laguma
qaabilin, mana aaneey la kulmin saraakiil la daraja
ah, kaaga darane halkii ay geesinimadooda iyo aqoontooda
bari ku xoreeyeen, ayaa laga soo siiyay hub iyo
rasaas, iyadoo weliba la soo faray in ay ku gumaadaan
shacabkii ay shalay cadowga ka difaacayeen, taasi
miyaaneey muujineyn in soomaalida la qabjabiyay.
Aan u soo noqdo sheekadeydii, Hogaamiye kooxeedyadii
mudaa la daba cararayay dagaal mooyee waxa ay dadka
u diideen nabad, marna ma aaneey dhicin in ay wax
ku hishiiyaan,xataa qab-qablayaashii muqisho waxa
ay ku dhici waayeen in ay unkaan maamul uu yeesho
gobolka banaadir, waxaa jiray dhowr isku day hase
yeeshee aakhirkii waa lagu hungoobay, sababtoo ah
mid ama labo ayaa cod dheer ku lahaa, [Looma dhama]
waayoo waxaa ku kala dhex jiray oo u diidanaa in
ay caqligooda nabad ku maareeyaan, waa ay iska cadeeyd
waana gacmihii shisheeye ee ay ka kala amar qaadanayeen.
Markii muddo marxaladaa lagu soo jiray, ayaa hadaba
si loo dardargaliyo sii fogaanshaha xaaladda soomaaliya,
maadaama lagu daalay dhaqankii Qab-qablayaasha dagaalaka,waxaa
la abaabulay shirkii Jabuuti, iyadoo door la cayaarsiinayo
bulshada rayidka ah,si aqoonyahanadii iyo ugaasyadii
tiirarka u ahaa iyo iyaga loo kala reebo la isagana
hor keeno, iyadoo markaana la takooray hogaamiye
kooxeedyadii,
Waxaa la isugu tagay jabuuti, waxaana lagu soo dhisay
Dowladii Carta, wey iska muuqatay wixii lagu soo
dhabdhabo halkaa in ay ka hor imaanayaan qabqablayaasha
dagaalku, waxa ayse ahayd siyaasad naga weyn, bal
u fiirso iyadoo go,aanada ka soo baxay shirkaa ay
ka mid ahaayeen, in la cunaqabateeyo safarada iyo
dhaqdhaqaaqa hogaamiya kooxeeyada, ayaa markii uu
soo idlaaday alalaaskii shirkii Carta, waxaa hogaamiye
kooxeedyadii iyo inkaloo lagu biiriyayba isbaheysi
looga soo dhisay Soodare, aan kuu daayo akhriste
dadaladaa shisheeye ee is bar-bar socda.
Qorshishii Jabuuti, bilo iyo sanado wax loo tiriyaba
waqtigii waxa uu kaga dhamaaday wax qabad la,aan,waa
caadadoodiiye caalam ku sheegu markaleey iclaamiyeen
dib-u-hishiisiin in loo qabto soomaalida,waxaa la
isugu tagay Neyrobi,waxaana ku xaadiray intii dhibaatada
soomaaliya ka waday iyo intii jabuuti loogu soo
indha fiiqay, 2-sano ka dibna waxaa la soo maleegay
guntin kale oo mushkilad ah oo loogu tala galay
in ay soomaaliya ku qaraxdo,maadaama wax la isugu
soo daray umad aan hishiis aheyn, balse caalamku
hishiis ku yahay in aaneey waligood hishiin,
Bal u fiirso, hogaamiya kooxeedyadii wax ka soo
saxiixay hishiiskaas, isla markaana wasiiro iyo
xildhibaano ka ah dowladii lagu dhisay Kenya,ayaa
waxa ay maalmo ka dib muqdisho kaga dhawaaqeeyn
isbaheysi la magac baxay !!!Argagixiso la dirir,!!!oo
uu Mareykanku ku maalgaliyay, su'aashu waxa ay tahay
marka,!!! maxaa 2-sano loo fadhiyay Kenya, maxaa
loo bixiyay dhaqaalaha intaa le'eg,maxaa odayaasha
iyo habraha waqtiga looga lumiyay, maxaase loo waayay
in soomaalidu ay fahamto qaab cayaareedka caalamku
la cayaarayo,!!!
Waa yaab!!! soomaalidu waxa ay tiraah [hunguri wax
ka weyn baa wadkiisa ah] saaxiibadii muqdisho dharaarbeey
ku dhawaaqeeyn Isbaheysigoodii, waxaana dhacay isku
dhac dhex maray iyaga iyo wadaadadii oo helay taageeradda
shacabka ka dib markii ay wadaadadu ay la yimaadeen
iyaguna boor uu ku qoran yahay !!!Ashahaada la dirir!!!,taasina
waxa ay keentay in maalma dabadeed muqdisho laga
waayo hogaamiye kooxeed, ayna ka qoomameeyaan wixii
ay faleen ka fiirsasha la'aanta,balse Mareykanka
oo dhaqalaha ku bixiyay awalba [ xashka bab dheh
waxa ku jira ha ka soo baxeene] waxa uu calaamadiyay
siduu rabay oo ah in soomaaliya ay hooy u tahay
waxa uu ugu yeero Argagixiso,aan u gudbo marxalad
kale.
Wadaadadii sida filan waaga ah ugu soo booday masraxa
siyaasadda,waxaa la oran karaa waxaa ka tan badiyay
howsha hor timi, sida ku dhacday 1991-dii ururkii
USC,damacooda iyo talaabadooda oo kala dheereyay
awgeedna waxa ay si talo la'aan ah isugu fidiyeen
gobolo badan oo dalka ah,ilaa ay kaabiga u fadhiisteen
magaaladii dowladu daganeyd ee beydhabo,waxaa timi
kaalintii beesha caalamka, waana sidii la rabay
in ay wax u dhacaane, waxaa loo soo jeestay Baarlamaankii
oo markaa lagu hareereysan yahay, waxa ayna si naf
lacaari ah u meel mariyeen, in ciidamada darisku
ay gudaha dalka u soo galaan si ay u gacan siiyaan
dowlada taagta daran
Maalmo kama soo wareegin go'aanka baarlamaanaka,
markii ay gobolka Bay,iyo dwwgaana kaleba soo buuxiyeen
guutooyin ciidamada Ethopia ah, oo awalba lagu tuhmayay
in ay ku sugan yihiin saraakiil iyo ciidamo magaaladasi,
balse su'aashu waxa ay tahay, maxaa dowlada Ethopia
oo qura u dhaga fududeeyay yaboohaasi, oo ay uga
dhaga adeygeen dalalkii kale hadii aneey, baroortu
orgiga ka weyneyn,
Nasiib daro, awoodii wadaadadu meesha ayay ka baxday,
sabab ay soomaalidu leedahay awgeedna, taariikhda
markii ugu horeysay waxa ay ciidamada ethopia tageen
caasimada Muqdisho,waxaana dhacay wixii dhici lahaa
!!!!!!! balse markale ayuu shisheeyuhu la yimi qiyaanadiisii,waxa
uuna u kala saaray wadaadaii isku hadafka ahaa,
oo qaxaya, Xag jir iyo Qunyar socdod,bal u fiirso
sida ay wax u dhacayaan.
Si door loo cayaarsiiyo wadaadada qunyar socdka
lagu calaamadiyay, waxaa la iska horkeenay dowladii,
waxaana dhimasho, dhaawac, barakac, iyo burbur 2-sano
iyo bar ah ka dib, iyadoo loo qiildayayo bixitaanka
ciidamada Ethopia, la is tusay labadii oday ee wadaadada
hor kacayay, mid ka mid ah iyo xulufadiisana waxaa
lagu casuumay in uu wax la qabsado dowladii jirtay
oo qudheeda siyaasad ahaan la jahwareeriyay,wax
qabad la,aan iyo is qab-qabsina waqtigii uga dhamaaday,
halka midkii kale ee lagu calaamadeeyay xag jirka
iyo saaxiibadiina laga horeeyay saaxadda siyaasadda,
si intuu u caroodo birito uga hor yimaado wixii
la soo dhiso, bal eeg waxa yaab is daba yaal !!!!!!oo
hadba marxalad lagu tijaabanayo dadka soomaaliyeed,
Dowladii la kala dir,baarlamaankii shalay xaalkiisa
la ogaa lagu soo kordhi intiiyoo kale oo aaneey
isku siyaasad iyo isku hadaf aheyn,loo sacaba tum
codeyn ay muuqatay cidda ku soo baxeysa, waxna lagu
soo dhis Jabuuti mar 3-aad,nin waliba si ha u arkee,
la soo gurya noqoy, waa sidii la qorsheeyee waxaa
curtay mucaarad uu qeyb ka mid ah horkacayo Odaygii
shalay laga careysiiyay, arinkuna waxa uu taagan
yahay ka daroo dibi dhal !!!! tiiyoo ay u sii dheer
tahay kooxda Al-shabaab oo ka farcantay bur-burka
wadaadada iyo is qabadka hogaankoodii, ilaa iyo
hadana aan la garaneyn waxa ay dadka iyo dalka ka
damacsan yihiin, marka laga reebo xukun islaamiya,ayna
muuqato qudhoodu in ay shisheeye ku xiran yihiin,
Iminka saadaasha laga bixinayo dagaalada socda waxaa
weeye, hadii ay dowladu guuleysato, waxaan dhamaan
doonin dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo cabsida
la kala qabo,hadii mucaaradku guuleystana waxaa
faltami doona Alshabaab iyo Xisbul-islaam sida hadaba
caaradoodu socoto,Caalamkuna tilaabuu qaadi doonaa,iyadoo
markaasna Ehlusunna ay kursiga keydka fadhido, balse
waa hubanti in tii Allana ay gaar tahay,
Marka xaal sidaa yahay ayna kuu muuqdaan ifafaalayaal
badan oo is daba yaal, isla markaana aan dadka iyo
dalka u soo sidin horumar iyo dowlad kama danbeys
ah, koox walibana ay sida cayaarta orodka ah ee
qori isku dhiibka, sanado ka dib inteey lunsadaan
deeqda shacabka ay u dhiibeyso koox kale oo ka daran,
adna aad ka mid tahay marqaatiga aamusan oo ah shacabka,
sow kugu soo dhici meyso sheekadii aheyd:-
=Nin baa bari jeclaaday inan aad u qurxoon oo cid
u joogta, xaafadna wey wada daganaayeen, ninku xoolo
ma heysan uu gabadha reerkooda kaga doonto, markuu
iyada gaar ula hadlayna wey diiday, muduu dusha
ka daawanayay ileyn daniba tiriye,markii danbuu
inta is heyn waayay oo iyadoo socota horteeda istagay
ku yiri:- !!!Alloow anoo ku qaba la arkaa!!!!
Marka hadda maadaama soomaalidu dowlad la'dahay
ku dhawaad 20-sano, welina aan la heyn wadadii lagu
gaari lahaa,inta wadaniyiinta ah ee misana dowlad
ku noolka ah, una muuqdaan sida ay wax u dhacayaan,
iyagana aaneey jirin cid wax ka maqleysa, sow xaq
uma laha inteey meel gaar ah fadhiistaan,oo gacmaha
kor u taagaan in ay yiraahdaan
!!!!Alloow la arkaa soomaaliya oo dowlad
leh !!!!!
C/qaadir Maxamed Faarax [dulyar]
dulyar21@hotmail.com
Neyrobi, Kenya.