
Ramadaan Kariim Akh-ristayaasha aynu jecel nahayoow
meel kasta oo aad joogtaan, Akh-riste ha dhibsan qormadan
oo hana ku farxin waayo waxaan halkan idiinku soo gudbindoonaa
Qormada cinwaankeeda kore ku xusan oo aan uga hadli
doono Isku Shaan-dheynta lagu sameeyey dhowaan Golaha
Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid,
hadalo kala duwan oo ka soo baxaya isku shaan-dheyntan
iyo maamul lagu sheegey Banaadir land oo ay ku hawlan
yihiin rag ka tirsan siyaasiin Soomaaliyeed oo hore
ugu fashilmey damacooda siyaasadeed, iyadoo la ogyahay
kuwii hore halka uu xaalkoodu marayo, dowlado ku hawlan
arintaas oo gacan siinaya iyo warar is-khilaafsan oo
ka soo baxaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee TFG-da
xilka ka degay oo la sheegey in uu qayb ka yahay xubnahaasi.
Sida la wada ogyahay Col/ Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade)
wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyey dowladii
FTG-da ahayd ee madaxweynaha ka ahaa Col/Cabdullaahi
Yuusuf Axmed, dowladaasi ayaa mas’uuliyiintii
soo marey waxaa soo wajahay caqabado fara badan oo ay
ka mid tahay mucaarad hubeysan oo dagaal lagu hoobtey
oo ay la gashey dowlada, mas’uuliyiin is-khilaafsan,
faragelin shisheeye oo wajiyo fara badan leh iyo qaar
ka mid ah mas’uuliyiintii soo marey TFG-da oo
ku kacay ku tagri fal hantida Qaranka Soomaaliya loogu
deeqay iwm.
Dhamaan arimahaasi waxay dhaceen Nuur Cadde ka hor
iyo inta uu xilka hayey, balse Nuur Cadde markii uu
la kulmey caqabadahan faraha badan oo ay ka mid tahay
degenaansho la’aanta Xukuumadii uu Ra’iisul
Wasaaraha ka ahaa ee dalka Xukumeysey mudadda halka
Sano iyo dhowrka bilood wuxuu qaatey go’aan adag
oo ah inuu la heshiiyo kooxaha ku kacsan Xukuumadiisa.
Wuxuuna wada hadal ay garwadeen ka tahay UNPOS la furey
hogaanka kooxaha mucaaradka iyo xubno uu hogaaminayo,
taasoo ugu dambeyntii uu ku guuleystey in uu kala jebiyo
mucaaradkii oo qaybna uu la heshiiyey qaybna ay ka biyo
diidey heshiiska, balse heshiiskaas uu keeney Ra’iisul
Wasaare Nuur Cadde ayaa isaga iyo madaxweynihiisa ay
isku khilaafeen, kaasoo Aakhirkii keeney in Madaxweynuhu
uu xilka baneeyo, inkastoo xil ka tegista madaxweynaha
aysan xalin caqabadihii kala duwanaa ee ka jirey dalka
guud ahaantiisa, marka laga reebo bixitaanka ciidamada
Itoobiya oo hada ku jira rogaal celis hor leh, hadana
Nuur Xasan Xuseen wuxuu isu soo sharxay Madaxweyne,
balse kuma guuleysan, waxaana jagadii ay isaga iyo madaxweynihiisa
isku khilaafeen ku fadhiya kooxdii mucaaradka ku ahayd,
iyadoo ay saacideen qaar ka mid ah dowladaha caalamka
ee taageerayey kooxdaas, islamarkaana markii looga guuleystey
doorashadii Nuur Cadde, iyagoo iska dhigaya wax la jira
si aad ah ugu tacsiyeeyey, isla goobta doorashada ka
dhaceysey, taasoo u muuqatey jees jees.
Nuur Xasan Xuseen wuxuu hada Safiir ka yahay dalka
Talyaaniga, waxaana dhowaan lagu wareejiyey Furaha Safaarada
Soomaaliya, la wareegida xilka safiirnimo ee loogu sameeyey
Nuur Cadde dalka Talyaaniga, ma yahay mid isagu uu ku
qanacsan yahay?, mise waa mid uu kaga gudbayo dano kale
oo siyaasadeed?, Jawaabaha su’aalahaasi waxaan
u daayey Akh-ristayaasha, laakiin hadii aan dib u eegno
inagoo aan tafaasiir dheer sii gelin, dowlada Talyaaniga
xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Nuur Cadde
waxay taageero nooc kasta siineysey kooxihii mucaaradka
ku ahaa Xukuumadiisa iyo tii Geedi, sida ay xusayeen
qaar ka mid ah mas’uulyiintii hore ee TFG-da oo
xitaa loo diidey qaar ka mid ah diblamaasiyiintii Talyaaniga
ahaa in dalka Soomaaliya ay soo galaan xiligii Cali
Geedi.
Shacabka Soomaaliyeed, isagoo dareensan ficiladii foosha
xumaa ee uu kula dhaqmayey Talyaanigu cunsuri nimadiisa
mudadii dowlad la’aanta ayaa wuxuu is-weydiinayaa,
kaalin intee la eg ayey ka qaadan kartaa dib u soo nooleynta
Safaarada Soomaaliya ee ku taal Talyaaniga, Nuur Cadde
se isagoo og caqabadihii hortaagnaa Xukuumadiisa ka
qayb ahaanshaha Talyaaniga, ma wuxuu noqon doonaa sida
kuwa isaga ku kacsanaa oo kale in loo soo adeegsado
bur burinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, maalkooda,
sharaftooda iyo qiyamkooda?, mise wuu ka leexan doonaa?,
waayo beryahaan waxaa la hadal hayaa rag isagu uu ka
mid yahay oo qaarkood ay yihiin rug cadaayaasha dagaalka
muqdisho iyo TFG-dii hore, in ay ku hawlan yihiin dhismaha
Banaadir land, iyadoo hirgelinta maamulkaasina ay qayb
ka yihiin rug cadayaal u dhashey dalka Talyaaniga?!!,
waa yaabka yaabkiisa, inkastoo aan ka sugeyn Nuur Xasan
Xuseen intii aan ka bartey, hadana waxaa macquul ah
in qayb ka mid ah ragaas ay qaataan fikirkaas, sida
kuwii hore loogu xamanayey Suntii Badda lagu duugey,
sidoo kale ragii lagu xamanayey xanibaada Xoolaha Soomaaliya
iyo xubin kale oo lagu sheegey in uu ka tirsanaa Is-bahaysigii
Sharta Soomaaliya dhamaan ragaasina lagu sheegey in
ay isku hayb yihiin mid ka mid ah mas’uuliyiinta
ugu sareysa ee dowlada, balse la arki doonee Awrta rararn
ee rifayaasha la kadeedan damacooda fashilmey halka
ay ku furtaan.
Dhinaca kale hadii aynu eegno qaab dhismeedka dowlada
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Xukuumada Ra’iisul
Wasaare Cumar, intii ay jirtey waxaa lagu xantaa Golaha
Wasiiradda inay isugu jiraan, Wasiiro qaab Qaran ugu
shaqeeya xilkooda, kuwo hab beeleed ugu shaqeynaya,
kuwo qaab Ganacsi u shaqeeya, kuwo qaab jabhadeed u
shaqeynaya wali, kuwo hab NGO u shaqeeya iyo kuwo magac
Wasiir ku jooga oo aan aqoon shaqadooda, inkastoo uu
dhowaan sameeyey Ra’iisul Wasaaruhu isku shaandheyn
aan la garan ujeedadda ay lahayd.
Hadana xeel dheerayaasha dhinaca siyaasada Soomaaliya
waxay ka bixiyeen dareeno kala duwan oo qaarkood aan
la shaacin Karin, balse qaar ka mid ah hadii aan xusno
waxay ku sheegeen “ isku shaan-dheynta Ra’iisul
Wasaaruhu waxay noqtey wax aan marna la fileyn, islamarkaana
sumcad dari u keeneysa mustaqbalka hogaamineed Madaxweynaha
iyo Ra’iisul Wasaaraha”.
Sababtoo ah waxay carabka ku adkeeyeen “Madaxweynaha
waxaa laga doonayaa in uu koontaroolo Ra’iisul
Wasaaraha oo saxo, siiyana tilmaamo habka ugu wanaagsan
ee hawsha guud ee dalka si ay u noqoto mid ku socota
habkii dastuuriga ahaa, Waayo Ra’iisul Wasaare
Cumar Cabdirashiid ugu horeyn waa nin da’yar oo
saaxada siyaasadeed ku soo fuuley si lama filaan ah,
iyadoo loo eegayo magacii Aabihii uu ku lahaa dalka
iyo dadka Soomaaliyeed, kamana mid ahayn raga ku yimid
miiska hogaaminta dalka Qori, inkastoo qabiil uu ka
soo jeedo, marka loo eego habka 4.5-ka ee dowlada lagu
dhisey, hadana waxaa ka xoog badneyd Sumcadii Aabihii
uu lahaa.
Balse markii xilka loo dhaariyey oo uu dhisey Golihiisa
Wasiiradda oo intooda badan lagu xanto inuusan isagu
soo xulin ayaa xukuumadiisu waxay nasiib u heshey in
qaar ka mid ah Wasiiradiisu ay noqdaan kuwo Qaran oo
hawl la taaban karo ka soo qabtey qaybo badan oo wax
weyn u tarey siyaasada Xukuumada uu hogaamiyo ee dalka
Soomaaliya, halka kuwo kale oo ka tirsan Xukuumadiisa
ay xilkooda ugu shaqeynayeen qaab qabiil oo dantii Qaranka
ay ka hormariyaan tan Qabiilka ay ka soo jeedaan, sidoo
kale ayna jiraan, kuwo hab Jabhadnimo ugu shaqeynaya
xilkooda oo hadana si hoose mucaaradka ula safan, waxaa
kale oo intaa dheer Wasiiro qaab Ganacsi xilkooda ugu
shaqeysta oo ma ahan kuwo hawsha noocaas ah hada bilaabey
ee waa mid hore ay u soo sameyn jireen, islamarkaana
lacago badan ay hore ugu lunsadeen nidaamka noocan oo
kale, waana boog aysan ka bogsaneyn waligood madaxweynaha
iyo Ra’iisul Wasaaraha xitaa hadii ay xilka ka
degaan” ayey yiraahdeen.
Xukuumadan oo haysata xili hawleed ku eg laba sano
ayaa in badan oo ka tirsan dadka Soomaalida ah ee ku
nool Caasimada Jabuuti is-weydiinayaan su’aalo
ku wajahan isku shaandheynta Golaha Xukuumada, su’aalahaas
oo ay ka mid ahaayeen Isku shaandheyntii xukuumada cusub
ma digniin ku socotaa rag ka tirsan xukuumadaa oo la
doonayo in lagu cuno kuwo khatar ku ah jiritaanka dowlada?!,
mise awood tijaabin Sheekh Shariif iyo Ra’iisul
Wasaarihiisaa ay sameeyeen baa?, halka kuwo kale ay
qabaan waa isku shaan dheyn dowlado shisheeye ay ka
dambeeyaan?, sidoo kale kuwo ayaa qaba ma ahan in Isku
shaandheyntan mid sax ah ee waa isku shaandheyn kale
oo wajiyo fara badan leh oo wax badana ay ku hoos duugan
yihiin?, maya ee waa mid ay ka dambeeyaan maamulada
macmalka ah ee ka jira Soomaaliya?, halka kooxda ugu
dambeysa ay qabaan ma waxaa jira shaqo xumo laga dareemey
wasiirada qaarkood ayaa loo sameeyey isku shaandheyntan?
Maya ee ma waxaa loo sameeyey in aan wax hagaagin sida
TFG-dii hore oo kale ayaa laga doonayaa oo wasiirku
isagoon wali aas aaskii wasaarada dhigin hawshiisa dhexda
laga qaban jirey?!. Dhamaan su’aalahaas iyo kuwo
kale oo fara badan waxay u baahan tahay in shacabka
Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiintooda ay isla fahmaan
halka ugu dambeysa ee isku shaan dhaynta, balse anigu
hadii aan ku hormaro jawaabaha in badan oo ka mid ah
su’aalaha waxbaa ka jira.
laakiin marka laysku soo duubo Xukuumada Ra’iisul
Wasaare Cumar Cabdirashiid sow lama dhihi karo mar hadii
intaas oo nabar ay leeyihiin ku tilmaameen Wasiiradu
xeel dheerayaashan waxay u baahan tahay isku shaandheyn,
balse marka dhinac kale laga eego, isku shaandheyntii
la doonayey in lagu sameeya Wasiiradda nabarada waaweyn
lahaa ayaa isku shaandheyntii qalinka Ra’iisul
Wasaaruhu waxay la tagtey qaar ka mid ah Wasiiraddii
Hab Qaranka ku shaqeynayey, halkii lagu abaal marin
lahaa hawsha ay qabteen wax u dhigma oo waano u noqota
kuwa kale, ayaa xilka loo kala bedeley kuwii NGO-nimo
ugu shaqeysanayey xilkii Qaranka, balse Akh-ristoow
waxay su’aali ka taagan tahay dowladu sidey ugu
guuleysan karto waqtigeedii, iyadoo ay habeen iyo maalin
Jeeblayaasha Qarxa madfac la dul taagan yihiin oo boogahii
dowladuna ay fiishayaan, iyadoo Xukuumadu inta badan
sheegta in ay dooneyso Jeeblayaasha Qarxa in lagu soo
daro dawlada, taasoo iyaduna hadii ay dhacdo su’aalo
kulull ay ka soo bixi karaan halka Jago looga helayo
Jeeblayaasha Qarxa?!, waxaana marag madoonto ah qaar
ka mid ah Golaha Wasiiradu in aysan ka shaqeyn neynin
sidii loogu soo biirin lahaa Xukuumada Jeeblyaasha Qarxa,
mise hadii kale hawshu waxay ku socon Isku Shaandheyn
Isku Shaandheyn Dhasha?!!! Oo TFG-dii hore hab maamulkeedii
uu hareeyey arimaha noocaan oo kale.
W.Q;- Maxamed Macallin
Cismaan (All-man) Cowslafil Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.